Bara
– bixinta ereyada Soomaaliga
Af soomaaligu waa af ka mid ah afafka
lagaga hadlo adduunkan aynu ku noolnahay.waxa uu ka tirsanyaha bahda Kushatiga.
Waa af hodan ah hase ahaate dhibtu waxay noqotay dadkiisii oo dayacay oo ka
doorbiday afaf shisheeye oo ayna iyagu lahayn. Afafkaasi waxay keeneen inay
bara – saaraan ereyo badan oo afka soomaaligu lahaa. Duulka soomaalidu markii
ay magaalooyin samaysteen waxay la fal galeen duulal kale oo ay la wadaageen
waxbarasho iyo ganacsi taas oo ereyadaii shisheey ee u yimid ayna isku dayin
inay ku beddelaan afkooda. Maanta qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa dhawr erey
oo af soomaali ah oo ay bara – bixiyeen ereyo af carabi ah. Waxa ka mid ah:-
Af Carabi Af Soomaali
Saacad = Goorsheeg
Khalad
= Qadaf / Qalloc
Caqli
= Garad / maan
Milix
= Cusubo
Waji = Fool
/ Jaah
Mawjad
= Hir
Fahan = Garasho / Kasmo
Maraq = Fuud
Macalin
= Bare
Wakhti = Amin / xilli /
goor
Saaxiib = Jaalle
Sannad
= Gu’
Nidaam
= Hab / Hanaan
Duhur = Gadiid
Qado = Hadhimo
Casho
= Xiraab
Suxuur = Hiraab
Dambi=Gef/Gabood fal / Dharag
Umad = Duul
Sax = Toosan / Hagaag / Quman
Su’aal = Weydiin
Jawaab = War celin / Fal celin
Shay = Walax
Makhrib = Cilcillow
Cishaa’ i = Fiid
Xaajo = Arrin
Jaar = Deris
/ Ood wadaag
Nooc =
Jaad / Cayn
Xuduud = Soohdin
Malqaacad = Faldhaan/ Qaado
Sixini = Xeedh
Nasiib = Ayaan /
Hoodo
Caalim
= Buuni
Sheekh = Wadaad
Safari = Googo’
Qiyaas = Oddoros
Fanaan = Hobal
Bakhayl
= Dhabcaal
Sariir = Rab
– rab / catiir
Tacsi = Baroor
diiq
Salaan = Bariido
Tahriib = Suudaal / Dhuyaal / Kudaal / hayaan
Luuqad = Af
Isticmaal
= Adeegsi
Alaab=Irid /Afaaf /Surin/ Kadin
Caasimad = Magaalo madax
Mederasad
= Dugs
Qalbi
= Wadne
Calaamad = Astaan
Macluumad = Wacaal
Sharci = Xeer
Marwaxad = Babbiso
Dawlad = Talis
Fursad
= Kansh
Tahniyad
= Hambalyo
Sanduuq = Abxad
Khaas
= Gaar
Xornimo = Madax banaani
Khabiir = Xeel dheer
Akhlaaq = Anshax / Asluub
Ururinta:
Allabari Caydaruus
Tirsiga: Sooroga – 13 /03/2021
No comments:
Post a Comment