Gobanimadu waa astaanta ugu saraysa ee qof binaadam ah lagu asteeyo halka lidkeedu yahay gun.
Gobnimada qofka waxaa laga eegaa ama lagu halbeegaa shantan qodob ee soo socda haddii uu shantaba qofku ku astoob waa gob dhamays , haddii se wax ka dhiman yihiin waa gob dhantaalan.
Waxaa laga eegaa :-
1. Sabada
Sabadu waa barada uu qofku ku noolyahay. Haddaba maanta markaad magaalada Hargeysa eegto waxaad arkaysaa guryo si qurux badan loo dhisay oo aad muuqaal ahaan u bilicsan hase ahaatee kambalkiisa ama wareegyada guriga ay ka buuxaan qashin iyo baco taas oo dhantaalaysa gobnimada dadka degan guriga. Inaad nadiifiso gudaha gurigaa oo dibaduna dayacantahay waa nadaafad bar kuma taala.
2. Soofka
Soofku waa xoolaha ama hantida uu qofku haysto mood iyo noolba.
Haddaba maanta waxaa jirta guryo ama xaafado badan oo maal badan haysto dhagar iyo dibaro carruurtood ku seexanayso hadhaaga cuntadan dibada xoolaha u dhigaan halka guriga ku xigana cirroole iyo caydinab ladi laayihiin gaajo iyo bog madhnaan. Haddaba cidkasta oo astaantaa yeelata gobnimo habeen umay soo hoyan.
3. Soorta
Soortu waa dhuniga la quuto.
Guriga martida si fiican loogu soori waayo isagan gobnimo hawga fadhiyin. Gob laguma ag daranyoodo. Maahmaah baa ahayd " Nin jeebkiisa kaa sooray nin dheh, nin jeeb kale kaa soorayna laba nin dheh". Ninka gobta ah haddii uu gurigiisa waxba uga waayo martida waxa uu ku booriya ama ku dhiiri galiyaa deriska inay martida ama dadka baahan wax la taro.
4. Sawdka
Sawdku waa hadalka.
Qofka gobta ahi wax uu markasta uu meel dayaa hadalka iyo ereyada ka soo baxay intan aan ku tiraabin. Waxa uu miisaamaa dhibta iyo dheefta ka dhalanaysa hadalkìisa isaga oo cindiga ku haya maahmaahdii ahayd" hadal inta uu uurkaaga ku jir ayuu amaan yahay". Maanta waxaynu ka war haynaa wax ka socoda war baahinteena iyo bar kulanada bulshada " social media" cayda , af lagaadada, beenta, iin- maalida , isku dirka ka soo yeedhay madax, mijo, aqoon yahan , aqoon laawe, rag , dumar, cirroole ,carruur, wadaad iyo waranleba. Cidkasta oo aad ku aragto hadal xun oo xanaf leh kaas oo dadka kala didinay, isku diray ogow inayna gobi baridiisa iyo mardiisatoona ku jirin.
5. Samir
Samirku waa dulqaadka iyo xamilka gefka iyo dhac-dhaca qofka kaga yimaada dadka iyo duunyada uu la nool yahay.
Qofka gobta ahi waa qof kaadisiin badan oo waxyaabo badan oo isaga loo geysto ugu taansula dhismaha , isku xidhnaanta , horu marka dadkiisa iyo dalkiisa. Waa qof aan jacjacooda ahayn se xamil badan. Xaalka maanta isaga oo qofku hubinba dhacdada ama gefka qofka kale uga yimid ayuu isku dayay inuu xumaan kaga fal - celiyo isla judhaaba. Qofkaasna isaga iyo gobnimo kala war la'
Ugu dambayn dhammaanteen waynu jecelnahay inaynu wada noqono dad gob oo aynu ka korno gunimo hase ahaatee inteena badani ma hayno tubtii loo marayay.
Gobonimo waxaynu ku heli inagoo laynaga helo astaamahan
1. Inaynu nadiifino deegaankeena sida aynu guryaheena u nadiifino oo uu qofkasta gurigiisa duleedkiisa ka dbawro kana guro qashinka iyo waxkasta oo foolxumo keenaya. Dadka qashinka intay guriyahooda ka soo guraan wadada ku shubayaan ha ka waantoobaan.
2. Inaynu taakulayno oo aynu caawino dadka baahiyaha kala duwan qaba sida cuud la'aanta , cudud la'aanta iyo dadka dhimirka qab oo aanay inagu dhex gaajooyn, harraadin , aradnaan ee ay farxada , raynraynta iyo dharagba inala qaybsadaan. Dharag iyo farxada gurigaa ee dariskaaga oolin maaha farxad iyo dharagtoona.
3. Waa inaynu hadaladeena u meel daynaa oo aynu ka fogaano hadalada foosha xun ee dhibata inoo horseeday kuwaas oo sharafta qofkana dilay, bulshadana dhexdeeda ka abuuray nacayb , colaad , qoqob iyo kala daadsanaan. Gefafka , dhacdhaca iyo dhibaatooyinka dhexdeena ka dhacana waa inaynu iskugu dulqaadanaa oo ayna inaga noqon midi midi ku taag.
Soomaali waxaynu ahayn dad gob ah ee ayayna gobnimada tagin , waxkasta oo dhaawacay , dhantaalay, dheelinay gobnimadeena aynu ka dheeraano.
Waad mahadsantihiin.
Hakis
27/09/1443
28/04/2022
No comments:
Post a Comment