Tuesday, March 23, 2021

Aafada Adduunka ka habsatay

 

Caabuqa Covid19

Gu’gii 2021 waxa uu adduunku la kowsaday cabasida , qaylada iyo firidhka caabuqa Covid19. Oo noqoday xanuun saammayn weyn ku yeeshay caro edeg dhamaanteeda. Xanuunkan oo aan kala lahayn gaal iyo muslim , yar iyo weyn , lab iyo dhediga. Waa aafo samayn weyn ku yeelatay isku socodkii iyo is dhex galkii dadka, waxa soo saarkii , waxbarashadii iyo dhammaan nolol maalmeedkii dadka.

Hadaba weydiinta  is weydiinta leh waxay tahay “ maxaa sababay aafadan kowan wada saamaysay? Maxaa se lagaga hortagi karaa ama lagaga bixi laraa?”

Muslimka iyo gaalku maaha inay isku is uga fal celiyaan dhacdadan. Waayo gaalku isaguma aamisana waxa qadar ah se waxa uu aamisana yahay inay dabeecadu wadato. Markaa asbabta ka hortaga  ayay aaminsan yihiin inay kaga hor tagi karaan ama ay ku badbaadayaan. Se muslimku waxa uu aaminsan yahay in Alle keenay isaguna qaadi karo iyaga oo aan asbabta ka hor taga aan ka tagayn.

Maxaa sababa aafadan?

Alle waxa uu quraankiisa inoogu sheegay in wixii dhib ah ee ina soo gaadha ay tahay waxaynu gacmaheena ku geysanay.

وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ"   

"  Wixii aafo ah ee idinku dhacaa waa waxaad gacmihiina ku geysateen waliba Alle intii badnayd buu idinka dhaafay”

Aafadan oo noqon karta xanuuno, gaajo iyo abaaro dhaca , dagaalo iyo colaado ummada ku dhex fida iyo dhibaatooyinka  kale aaduunka.

Xadiiskan suubbnuhu waxa uu inoogu sheegay shan arrimood oo haddii ummada dhexdeeda ku fidaan Alle ku salidayo xanuuno iyo aafooyin aan hore loo arag.

1.      Xumaanta iyo sinadu ummada kuma dhex fido. Haddii ay ku fido Alle waxa uu ku salidaa xanuuno aan hore loo arag.

2.      Ummada dhexdood  kuma fido khiyaamada miisaanka iyo hal beegyadu ilaa Alle waxa uu ku salidaa abaaro iyo gaajo.

3.      Ummadu haddii ay bixin weyd sekada xoolahooda Alle waxa uu ka xidhaa roobka.

4.      Ummadi ma buriso ballankii ay la galeen Alle iyo rasuulkiisa haddii ay dhacdo waxa lagu salidaa hogaan iyo madax xun.

5.      Dadku haddii ay isku xukumi waayaan kitaabka Alle . Alle waxa uu dhexdooda ka yeelaa dhib iyo rafad uu midba midka kale cunayo.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ قَالَ أَقْبَلَ عَلَيْنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: (يَا مَعْشَرَ الْمُهَاجِرِينَ خَمْسٌ إِذَا ابْتُلِيتُمْ بِهِنَّ وَأَعُوذُ بِاللَّهِ أَنْ تُدْرِكُوهُنَّ لَمْ تَظْهَرْ الْفَاحِشَةُ فِي قَوْمٍ قَطُّ حَتَّى يُعْلِنُوا بِهَا إِلَّا فَشَا فِيهِمْ الطَّاعُونُ وَالْأَوْجَاعُ الَّتِي لَمْ تَكُنْ مَضَتْ فِي أَسْلَافِهِمْ الَّذِينَ مَضَوْا وَلَمْ يَنْقُصُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ إِلَّا أُخِذُوا بِالسِّنِينَ وَشِدَّةِ الْمَئُونَةِ وَجَوْرِ السُّلْطَانِ عَلَيْهِمْ وَلَمْ يَمْنَعُوا زَكَاةَ أَمْوَالِهِمْ إِلَّا مُنِعُوا الْقَطْرَ مِنْ السَّمَاءِ وَلَوْلَا الْبَهَائِمُ لَمْ يُمْطَرُوا وَلَمْ يَنْقُضُوا عَهْدَ اللَّهِ وَعَهْدَ رَسُولِهِ إِلَّا سَلَّطَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ عَدُوًّا مِنْ غَيْرِهِمْ فَأَخَذُوا بَعْضَ مَا فِي أَيْدِيهِمْ وَمَا لَمْ تَحْكُمْ أَئِمَّتُهُمْ بِكِتَابِ اللَّهِ وَيَتَخَيَّرُوا مِمَّا أَنْزَلَ اللَّهُ إِلَّا جَعَلَ اللَّهُ بَأْسَهُمْ بَيْنَهُمْ) [رواه ابن ماجة والحاكم]

Quraan iyo xadiis tiro badan ayaa jira se aayadan iyo xadiiskan baa waano iyo wax ku qaadasho inoogu filan dhibaatooyinkan ka dhacay kawnka.
dhammaanta shantaa arrimood goob joog baynu ka nahay dalkeena iyo dhammaan adduunka kale.

 

 

Hadaba maxaa xal u ah aafadan adduunka ku habsatay?

 

Xal waxaan u arkaa dhankayga :-

1.      Marka hore inaynu gafafka iyo xumaanahay aynu gacmaha kula jirno kala baxno dhammanteen.

2.      Inaynu wixii dulmi dhexdeena jira isku celino kana toobad keen.

3.      Inaynu xagga Alle u yacno oo aynu talo saarashada iyo Rabi tuugida badino.

4.      Inaynu caawino dadka masaakiinta ah ee dhexdeena ugu dhimanay gaajada iyo dhibaha kale ee ayna awoodayn.

5.      Inaynu raacno hab raacyada ay soo saareen xeel dheerayaasha caafimaadku. Inaga oo aan aaminsan awooda Alle se waxani asbaab uun tahay

6.      Inaynu dib u eegno quutul daruuriga aynu cuno. Kuwaas oo taydoodu liidato.

Noolahan yar ee ilma qabatida ah waa noole ka mid ah noolayaasha Alle abuuro oo amar Alle ku socoda. Markaa waxa mudan inaan Alle ka magan galno.

 

Waad mahadsantihiin

Allabari Caydaruus

Saturday, March 13, 2021

Ereyo Af soomaaliya oo la bara - saaray


Bara – bixinta ereyada Soomaaliga

Af soomaaligu waa af ka mid ah afafka lagaga hadlo adduunkan aynu ku noolnahay.waxa uu ka tirsanyaha bahda Kushatiga. Waa af hodan ah hase ahaate dhibtu waxay noqotay dadkiisii oo dayacay oo ka doorbiday afaf shisheeye oo ayna iyagu lahayn. Afafkaasi waxay keeneen inay bara – saaraan ereyo badan oo afka soomaaligu lahaa. Duulka soomaalidu markii ay magaalooyin samaysteen waxay la fal galeen duulal kale oo ay la wadaageen waxbarasho iyo ganacsi taas oo ereyadaii shisheey ee u yimid ayna isku dayin inay ku beddelaan afkooda. Maanta qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa dhawr erey oo af soomaali ah oo ay bara – bixiyeen ereyo af carabi ah. Waxa ka mid ah:-

          Af Carabi         Af Soomaali

           Saacad      =    Goorsheeg

  Khalad      =    Qadaf / Qalloc

 Caqli          =   Garad / maan

  Milix         =    Cusubo

Waji           =    Fool / Jaah

 Mawjad    =     Hir

Fahan        =   Garasho / Kasmo

Maraq        =   Fuud

  Macalin    =   Bare

Wakhti       =  Amin / xilli / goor 

Saaxiib       =   Jaalle

 Sannad      =   Gu’

 Nidaam     =   Hab / Hanaan

Duhur         =   Gadiid

Qado            =  Hadhimo

 Casho          =  Xiraab

Suxuur        =   Hiraab

Dambi=Gef/Gabood fal / Dharag

Umad          =   Duul

Sax =  Toosan / Hagaag / Quman

Su’aal         =  Weydiin

 Jawaab   =   War celin / Fal celin

Shay            =    Walax

Makhrib     =    Cilcillow

Cishaa’ i      =    Fiid

Xaajo           =   Arrin

Jaar           =   Deris / Ood wadaag

Nooc              =    Jaad / Cayn

Xuduud          =  Soohdin

 Malqaacad   =  Faldhaan/ Qaado

Sixini         =      Xeedh

Nasiib       =      Ayaan / Hoodo

 Caalim     =       Buuni

Sheekh     =       Wadaad

Safari        =       Googo’

Qiyaas       =      Oddoros

Fanaan      =       Hobal

 Bakhayl    =      Dhabcaal

Sariir        =       Rab – rab / catiir

Tacsi        =        Baroor diiq

Salaan     =         Bariido

Tahriib  = Suudaal / Dhuyaal / Kudaal / hayaan

Luuqad           =   Af

 Isticmaal       =   Adeegsi

Alaab=Irid /Afaaf /Surin/ Kadin 

Caasimad      =    Magaalo madax

 Mederasad   =     Dugs

Qalbi              =   Wadne

Calaamad      =   Astaan

Macluumad  =    Wacaal

Sharci           =   Xeer

Marwaxad   =   Babbiso

Dawlad        =   Talis

 Fursad        =    Kansh

 Tahniyad   =    Hambalyo

Sanduuq    =     Abxad

 Khaas        =    Gaar 

Xornimo    =    Madax banaani 

Khabiir      =    Xeel dheer

Akhlaaq   =    Anshax / Asluub

 

Ururinta: Allabari   Caydaruus

Tirsiga: Sooroga – 13 /03/2021

 

Meerayaasha iyo Af -Soomaaligooda

  Sagaalka meere iyo af soomaali waxaa loo yaqaano 1. Mercury =   Dusaa 2. Venus = waxara xir 3. Earth  = Dhul 4. Mars  = Farraare 5. Jubite...