Taariikhdu ama tirsigu waa hababka ay binaadamku ku helaa dhacdooyinkii iyo noolayaashii ka horeeyay sida ay ahaayeen. Taariikhdu waa wado ama hage ku tusay wadooyinkii ay ku guul daraysteen ama ku guulaysteen intii kaa nolol horaysay.
Ibo furka silsilada dhugashada dhacdooyinkii soo maray caro edega mid togan iyo mid taban ba.
Taariikhda waxaa loo bartaa laba u jeedo oo waaweyn kala ahan:-
* Inaad ogaato wadadii ama tubtii ay ku horu mareen kuna guulaysteen dadkii kaa horeeyay if iyo aakhiraba kadibna aad ku dayato.
* Inaad barato jidkii ama marinkii ay ku libin seegeen kuna dib dhaceen intii kaa horeysay caro edeg iyo daarta dambe ba dabadeedna aad ka gaashaamato si aanad nolosha uga bariiqana ama halaabin taas oo kugu dhalisa qoomamo iyo caydh.
Quraanka kariimka ahi waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood taas oo qayb ka mid ahinna tahay taariikh(قصص) uu Alle inooga waramayo duulalkii ina horeeyay hilinadii ay mareen iyo waxay kala kulmeen taas oo qaar ka mid ahay ku liibaaneen , qaarna kalena ku lumeen kuna muteen cidhib xumo iyo cadaab. Wuxuuna si cad inoogu faafaahiyay falalka ay sameeyeen labada qayboodba mid wanaagsan oo lagu dheefay iyo mid xun oo lagu dhibaatoobay.
Abwaankii soomaaliyeed isaga oo ka hadlaya taariikhda iyo barashadeeda ayuu lahaa tuducyadan soo socda:-
" Taariikhda waxaa loo bartaa
Dhacdada loo biiriyaa
Tagtada loo baafiyaa
Kaskaagu inuu bogtoo
Abkaa budulku ka tagay
Intuu ku baraaray iyo
Intii baasaha lahayd
Si an bari loogu qaldamin".
Si aad aakhiro iyo addunab gafafkaaga iyo dheeligaagu u yaraado isku day inaad raacdayso taariikhihii , kaydadkii iyo raadadkii ay ka tageen duulalkii inaga horeeyay kuwaas oo aad ka dheefayso talo ,toosin, tilmaan iyo aqoon aad ku taransato.
Ugu dambeyn waxaynu ku soo afmeeri hababka loo raadiyo taariikhaha duulalka nool iyo kuwii tagayba.
Hababka raadinta taariikhda
Taariikhda waxaa loo raadiyaa habab dhawr ah waxaan ka mid ah kuwan hoos ku xusan
1.Qoraal ( Secondary data) in la darso wixii qoraal ah ee hore looga qoray sida dhiganayaasha IWM.
2. Hadal gudbin ( Oral- history) taariikhda ay duulalku afka iskaga gudbiyaan taas oo jiilba jiilka kale ugu gudbiyo habab kala gedisan sida sheekooyin, madadaalo, suugaan,waano ama dhiiri galin.
3. Raadadka dhulka ( Archeology) ummada oo la baadho goobihii ay ku noolaayeen si loo helo raadad ka war-bixinaya sida agabkii ay adeegsan jireen ama iyaga lafahooda iyo aasaarta qaadiimiga ah ee ka hadhay.
4. Afka ( Historio - linguistic) afka ay dadku ku hadlaan oo la raad raaco ereyadiisa iyo dhaqameedii hore ee uu ka soo gudbay.
La soco qaybaha dambe -------------------------
Hakis 10/02/2022
@Allabari