Monday, June 6, 2022

Meerayaasha iyo Af -Soomaaligooda

  Sagaalka meere iyo af soomaali waxaa loo yaqaano

1. Mercury =   Dusaa

2. Venus = waxara xir

3. Earth  = Dhul

4. Mars  = Farraare

5. Jubiter = Cirjeex

6. Saturn = Raage

7. Uranus = Uraano

8. Neptune = Docay

9. Pluto = Buluuto


Wixii aan si qallocan u qoray i toosiya.

Xigasho

Allabari Caydaruus

Hakis 02/12/2021⁰

Wednesday, April 27, 2022

GOBNIMADU ISMA QARISO

Gobanimadu waa astaanta ugu saraysa ee qof binaadam ah lagu asteeyo halka lidkeedu yahay gun. 

Gobnimada qofka waxaa laga eegaa ama lagu halbeegaa shantan qodob ee soo socda haddii uu shantaba qofku ku astoob waa gob dhamays , haddii se wax ka dhiman yihiin waa gob dhantaalan.

Waxaa laga eegaa :-

1. Sabada

Sabadu waa barada uu qofku ku noolyahay. Haddaba maanta markaad magaalada Hargeysa eegto waxaad arkaysaa guryo si qurux badan loo dhisay oo aad muuqaal ahaan u bilicsan hase ahaatee kambalkiisa ama wareegyada guriga ay ka buuxaan qashin iyo baco taas oo dhantaalaysa gobnimada dadka degan guriga. Inaad nadiifiso gudaha gurigaa oo dibaduna dayacantahay waa nadaafad bar kuma taala. 


2. Soofka 

Soofku waa xoolaha ama hantida uu qofku haysto mood iyo noolba.

Haddaba maanta waxaa jirta guryo ama xaafado badan oo maal badan haysto dhagar iyo dibaro carruurtood ku seexanayso hadhaaga cuntadan dibada xoolaha u dhigaan halka guriga ku xigana cirroole iyo caydinab ladi laayihiin gaajo iyo bog madhnaan. Haddaba cidkasta oo astaantaa yeelata gobnimo habeen umay soo hoyan.


3. Soorta 

Soortu waa dhuniga la quuto.

Guriga martida si fiican loogu soori waayo isagan gobnimo hawga fadhiyin. Gob laguma ag daranyoodo. Maahmaah baa ahayd " Nin jeebkiisa kaa sooray nin dheh, nin jeeb kale kaa soorayna laba nin dheh". Ninka gobta ah haddii uu gurigiisa waxba uga waayo martida waxa uu ku booriya ama ku dhiiri galiyaa deriska inay martida ama dadka baahan wax la taro.


4. Sawdka 

Sawdku waa hadalka.

Qofka gobta ahi wax uu markasta uu meel dayaa hadalka iyo ereyada ka soo baxay intan aan ku tiraabin. Waxa uu miisaamaa dhibta iyo dheefta ka dhalanaysa hadalkìisa isaga oo cindiga ku haya maahmaahdii ahayd" hadal inta uu uurkaaga ku jir ayuu amaan yahay". Maanta waxaynu ka war haynaa wax ka socoda war baahinteena iyo bar kulanada bulshada " social media" cayda , af lagaadada, beenta, iin- maalida , isku dirka ka soo yeedhay madax, mijo, aqoon yahan , aqoon laawe, rag , dumar, cirroole ,carruur, wadaad iyo waranleba.  Cidkasta oo aad ku aragto hadal xun oo xanaf leh kaas oo dadka kala didinay, isku diray ogow inayna gobi baridiisa iyo mardiisatoona ku jirin.


5. Samir

Samirku waa dulqaadka iyo  xamilka gefka iyo dhac-dhaca qofka kaga yimaada dadka iyo duunyada uu la nool yahay.

Qofka gobta ahi waa qof kaadisiin badan oo waxyaabo badan oo isaga loo geysto ugu taansula dhismaha , isku xidhnaanta , horu marka dadkiisa iyo dalkiisa. Waa qof aan jacjacooda ahayn se xamil badan. Xaalka maanta isaga oo qofku hubinba dhacdada ama gefka qofka kale uga yimid ayuu isku dayay inuu xumaan kaga fal - celiyo isla judhaaba. Qofkaasna isaga iyo gobnimo kala war la'


Ugu dambayn dhammaanteen waynu jecelnahay inaynu wada noqono dad gob oo aynu ka korno gunimo hase ahaatee inteena badani ma hayno tubtii loo marayay. 

Gobonimo waxaynu ku heli inagoo laynaga helo astaamahan

1. Inaynu nadiifino deegaankeena sida aynu guryaheena u nadiifino oo uu qofkasta gurigiisa duleedkiisa ka dbawro kana guro qashinka iyo waxkasta oo foolxumo keenaya. Dadka qashinka intay guriyahooda ka soo guraan wadada ku shubayaan ha ka waantoobaan.


2. Inaynu taakulayno oo aynu caawino dadka baahiyaha kala duwan qaba sida cuud la'aanta , cudud la'aanta iyo dadka dhimirka qab oo aanay inagu dhex gaajooyn, harraadin , aradnaan ee ay farxada , raynraynta iyo dharagba inala qaybsadaan. Dharag iyo farxada gurigaa ee dariskaaga oolin maaha farxad iyo dharagtoona.


3. Waa inaynu hadaladeena u meel daynaa oo aynu ka fogaano hadalada foosha xun ee dhibata inoo horseeday kuwaas oo sharafta qofkana dilay, bulshadana dhexdeeda ka abuuray nacayb , colaad , qoqob iyo kala daadsanaan. Gefafka , dhacdhaca iyo dhibaatooyinka dhexdeena ka dhacana waa inaynu iskugu dulqaadanaa oo ayna inaga noqon midi midi ku taag.


Soomaali waxaynu ahayn dad gob ah ee ayayna gobnimada tagin , waxkasta oo dhaawacay , dhantaalay, dheelinay gobnimadeena aynu ka dheeraano. 


Waad mahadsantihiin.


 

Hakis 

27/09/1443

28/04/2022

Thursday, February 10, 2022

Raacdaynta Taariikhda

 Taariikhdu ama tirsigu waa hababka ay binaadamku ku helaa dhacdooyinkii iyo noolayaashii ka horeeyay sida ay ahaayeen. Taariikhdu waa wado ama hage ku tusay wadooyinkii ay ku guul daraysteen ama ku guulaysteen intii kaa nolol horaysay.

Ibo furka silsilada dhugashada dhacdooyinkii soo maray caro edega mid togan iyo mid taban ba.

Taariikhda waxaa loo bartaa laba u jeedo oo waaweyn kala ahan:-

* Inaad ogaato wadadii ama tubtii ay ku horu mareen kuna guulaysteen dadkii kaa horeeyay if iyo aakhiraba kadibna aad ku dayato.

* Inaad barato jidkii ama marinkii ay ku libin seegeen kuna dib dhaceen intii kaa horeysay caro edeg iyo daarta dambe ba dabadeedna aad ka gaashaamato si aanad nolosha uga bariiqana ama halaabin taas oo kugu dhalisa qoomamo iyo caydh.

Quraanka kariimka ahi waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood taas oo qayb ka mid ahinna tahay taariikh(قصص) uu Alle inooga waramayo duulalkii ina horeeyay hilinadii ay mareen iyo waxay kala kulmeen taas oo qaar ka mid ahay ku liibaaneen , qaarna kalena ku lumeen kuna muteen cidhib xumo iyo cadaab. Wuxuuna si cad inoogu faafaahiyay falalka ay sameeyeen labada qayboodba mid wanaagsan oo lagu dheefay iyo mid xun oo lagu dhibaatoobay. 

Abwaankii soomaaliyeed isaga oo ka hadlaya taariikhda iyo barashadeeda ayuu lahaa tuducyadan soo socda:-

" Taariikhda waxaa loo bartaa 

Dhacdada loo biiriyaa

Tagtada loo baafiyaa

Kaskaagu inuu bogtoo

Abkaa budulku ka tagay 

Intuu ku baraaray iyo 

Intii baasaha lahayd 

Si an bari loogu qaldamin".

Si aad aakhiro iyo addunab gafafkaaga iyo dheeligaagu u yaraado isku day inaad raacdayso taariikhihii , kaydadkii iyo raadadkii ay ka tageen duulalkii inaga horeeyay kuwaas oo aad ka dheefayso talo ,toosin, tilmaan iyo aqoon aad ku taransato.

Ugu dambeyn waxaynu ku soo afmeeri hababka loo raadiyo taariikhaha duulalka nool iyo kuwii tagayba.

Hababka raadinta taariikhda 

Taariikhda waxaa loo raadiyaa  habab dhawr ah waxaan ka mid ah kuwan hoos ku xusan

1.Qoraal ( Secondary data) in la darso wixii qoraal ah ee hore looga qoray sida dhiganayaasha IWM.

2. Hadal gudbin ( Oral- history) taariikhda ay duulalku afka iskaga gudbiyaan taas oo jiilba jiilka kale ugu gudbiyo habab kala gedisan sida sheekooyin, madadaalo, suugaan,waano ama dhiiri galin.

3. Raadadka dhulka ( Archeology) ummada oo la baadho goobihii ay ku noolaayeen si loo helo raadad ka war-bixinaya sida agabkii ay adeegsan jireen ama iyaga lafahooda iyo aasaarta qaadiimiga ah ee ka hadhay.

4. Afka ( Historio - linguistic) afka ay dadku ku hadlaan oo la raad raaco ereyadiisa iyo dhaqameedii hore ee uu ka soo gudbay. 

La soco qaybaha dambe -------------------------

Hakis 10/02/2022

@Allabari 


Saturday, August 28, 2021

Kadimada xayawaanada

  LABKA, DHEDIGA IYO KADIMADA XAWAANADA QAAR

Magaca Labka Dhediga Kadinka (100)

1.Geela  Awr  Hal     kadin 

2.Adhiga  Orgi /wan Ri’ / lax Tiro 

3.Lo’da Dibi  Sac  Fadhi 

4.Fardaha Senge  geenyo Wegan

5. Libaaxa Gaani / Aar Gool/ Birinbirqo Raxan 

6.Maroodiga Arbe  Qalanjo Uufanaago 

7.Waraabaha Waraabe  Candho – dheer  Hunufaa 

8.Deerada Deer  Deero  Abaas 

9.gorayada Goray - haldhaa Gorayo - cawl Baalkalo 

10. Cawsha  Jaxeedh  Masala  Goosin/ Golabeeb

11 .Garanuugta Liig  Tingey  Geed – yeel 

12.Yayda  Halyeey  Yeey  Raxan 

13.Biciidka  Saryan  Biciid / Tiqnay Widhiidho 

Ururinta : Allabari Caydaruus

Tirisiga : Sooroga 28/08/2021 12:17

Hargeysa 

Tixraac : Muuqaal laga duubay abwaan Aadan Tarabi.

Sunday, May 9, 2021

Talo saarashada Eebbe

 حسبنا الله ونعم الوكيل"   "

Waxaan si yar oo kooban u dul mari doonaa dheefta iyo waxtarka laga helayo weedhan 

 “” حسبنا الله ونعم الوكيل  “” if iyo aakhiraba. Waxaan soo qaadan doonaa saddex dhacdo oo quraanka lay noogu sheegay oo ina tusay weedhan iyo waxtarkeeda.

1: Nebi Ibraahim CSM markii dabka lagu ridayay waxa uu ku tiraabay weedhan 

“” حسبنا الله ونعم الوكيل  “” oo dhigeedu yahay “ Waxaan talo saartay Alle cid la talo saartana waxaa ugu wanaagsan Alle”. Isla markii Alle waxa uu la hadlay dabkii waxaanu ku yidhi “” قُلْنَا يَا نَارُ كُونِي بَرْدًا وَسَلامًا عَلَى إِبْرَاهِيمَ   “” Naareey noqo mid qabaw oo Ibraahim nabad gali. Dabka ay ku tuureen waxa uu ahaa mid ay mudo hurinayeen oo ololka iyo dhamacdu is xidhay oo markii ay ku tuurayeen cidi u dhawan kari wayday. Kadibna qoroyo ayay adeegsaadeen si ay ugu tuuraan. Markii uu ka soo baxay waxay arkeen  isaga oo aan gubad iska daayee waxa dambas ahi taaban.

2: Nebi Maxamed(N.N.K.H)  dagaalkii Uxud markii isaga iyo asxaabtu ka soo laabteen. Rasuulka iyo asxaabtii oo kala guray dhhaawicii iyo shuhadadii muslimiinta ayay dad u keeneen warka dhiilo leh oo ah dadkii way isku kiin habar wacdeen ee ka baqa oo iska yaaca. Intaa markii ay maqleen may argagaxin mayna baqine waxay yidhaahdeen 

 "" الذين قال لهم الناس إن الناس قد جمعوا لكم فاخشوهم فزادهم إيمانا وقالوا حسبنا الله ونعم الوكيل   "    Alle ayaa nagu filan oo aanu talo saaranayn.  Waxayna u kordhisay iimaan iyo Alle ka cabsi. Isla markiiba Alle waxa uu u soo diray gargaargiisii waxayna heleen libintii iyo gacan sarayntii dagaalka.

3: Hooyadii Muumintii ee Caasha markii lagu been abuurtay waa Alle been abuuradkii munaafiqiinta.

 Maalin baa Saynab Bintu Jaxaj oo iyaduna ka mid ahayd hooyooyinkii mumintii ahna ahayd xaasaskii rasuulka ayaa Caasha ku tidhi anigu idin lama mid ahi waayo inaga waxa laga bixiyay samada  hase ahaatee idinka aabayaashiin baa idin bixiyay  waxayna soo qaadatay aayadan 

 " فَلَمَّا قَضَى زَيْدٌ مِنْهَا وَطَرًا زَوَّجْنَاكَهَا لِكَيْ لَا يَكُونَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ حَرَجٌ فِي أَزْوَاجِ أَدْعِيَائِهِمْ إِذَا قَضَوْا مِنْهُنَّ وَطَرًا وَكَانَ أَمْرُ اللَّهِ مَفْعُولًا ""          .Caasha  ayaa iyana tidhi aniga maxkamadayda waxaa lagu qaaday samada sare Malagu Jirbiil ayaana soo qaaday . Saynab ayaa weydiisay Caashay maxaad tidhi mmarkii aad awrka la soo fushay asxaabiga waxay tidhi  waxaan idhi “  حسبنا الله ونعم الوكيل   “  Allena waa kii ka bari yeelay xumaantii ay la dab oradayeen munaafiqiintu. Saynab baa ku tidhi waxay tidhi Caashay weedhii Muumintinta.

Waa saddex dhacdo oo ina tusay markii adoomaha Alle cuskadeen weedhaa qaaliga ah iyo siduu Alle uga furdaamiyay dhibaatadii haystay. Hadaba qofkasta oo weedhan adeegsada gargaarka Eebe ayuu helayaa .

Dheefta weedhan

1. Jecelka Eebbbee ayaa lagu helaa

2. Garggaarka Eebbe ayaa lagu helaa

3. Alle oo kaa samata-bixiya marka ay dhibaato jirto

4. Allee oo agtaada ku weynaad oo aad markasta xusto kana baqato


© Allabari Caydaruus 

    Koobin 09/02/2021


Friday, April 16, 2021

Curashada Bisha Soon

               Curashada bisha Soon.

Waxaa aan u mahad celinaynaa Eebbe sare oo mar kale ina soo gaadhsiiyay bisha aad u dheefta badan ee Soon. Bishani waa bisha ugu qiimaha badan 12ka bilood ee gu'ga Islaamka. Waa bil ay ka buuxdo wanaag iyo gef tirid badan. Bishu waxay ka kooban tahay saddex qaybood oo aad u qiimo weyn

1. Tobanka hore oo ah tobanka naxariista Eebbe sareeyee. Taaso uu adoomihiisa uu u naxariisto inagana ha inaga dhigo kuwa uu naxariisto.

2. Tobanka dhexe oo ah tobankii gef tiriada.

3. Tobanka saddexaad oo ah tobankii badbaadada dhamacda Naareed.

Allee ha inaga dhigo kuwa uu u naxariisto, gefafkooda tirtiro naartiisana ka badbaadiyo beerihiisa jannad ee qaaligaana ku casuumo.

            Maxay bishan kaga duwan tahay bilaha kale?

Bishani waxay kaga gedisan tahay bilaha kale 

1. Waa bishuu soo dagay hadalka ee Eebbe sareeyee.

2. Waa bishii laynagu faral yeelaya gudashada Soonka.

3.  Waa bisha Eebbe Naarta ka badbaadiyo adoomihisa 

4. Waa bisha uu ku jiro habeenka ka khayrka badan kunka habeen.

              Maxaynu bishan ku camiraynaa?

Waxaynu ku camiraynaa cibaada Eebbe ee kala duwan sida

            1. Salaada oo aynu ku ilaalino guryaha Alle.

            2. Soonka

           3. Sadaqada 

          4. Akhriska quraanka

         5.  Digriga Alle sareeyee

Alle caafimaad qab iyo camal wanaagsan  ha inoogu dhameeyo. 


Sooroga  17/4/2021

Allabari Caydaruus 

Tuesday, March 23, 2021

Aafada Adduunka ka habsatay

 

Caabuqa Covid19

Gu’gii 2021 waxa uu adduunku la kowsaday cabasida , qaylada iyo firidhka caabuqa Covid19. Oo noqoday xanuun saammayn weyn ku yeeshay caro edeg dhamaanteeda. Xanuunkan oo aan kala lahayn gaal iyo muslim , yar iyo weyn , lab iyo dhediga. Waa aafo samayn weyn ku yeelatay isku socodkii iyo is dhex galkii dadka, waxa soo saarkii , waxbarashadii iyo dhammaan nolol maalmeedkii dadka.

Hadaba weydiinta  is weydiinta leh waxay tahay “ maxaa sababay aafadan kowan wada saamaysay? Maxaa se lagaga hortagi karaa ama lagaga bixi laraa?”

Muslimka iyo gaalku maaha inay isku is uga fal celiyaan dhacdadan. Waayo gaalku isaguma aamisana waxa qadar ah se waxa uu aamisana yahay inay dabeecadu wadato. Markaa asbabta ka hortaga  ayay aaminsan yihiin inay kaga hor tagi karaan ama ay ku badbaadayaan. Se muslimku waxa uu aaminsan yahay in Alle keenay isaguna qaadi karo iyaga oo aan asbabta ka hor taga aan ka tagayn.

Maxaa sababa aafadan?

Alle waxa uu quraankiisa inoogu sheegay in wixii dhib ah ee ina soo gaadha ay tahay waxaynu gacmaheena ku geysanay.

وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ"   

"  Wixii aafo ah ee idinku dhacaa waa waxaad gacmihiina ku geysateen waliba Alle intii badnayd buu idinka dhaafay”

Aafadan oo noqon karta xanuuno, gaajo iyo abaaro dhaca , dagaalo iyo colaado ummada ku dhex fida iyo dhibaatooyinka  kale aaduunka.

Xadiiskan suubbnuhu waxa uu inoogu sheegay shan arrimood oo haddii ummada dhexdeeda ku fidaan Alle ku salidayo xanuuno iyo aafooyin aan hore loo arag.

1.      Xumaanta iyo sinadu ummada kuma dhex fido. Haddii ay ku fido Alle waxa uu ku salidaa xanuuno aan hore loo arag.

2.      Ummada dhexdood  kuma fido khiyaamada miisaanka iyo hal beegyadu ilaa Alle waxa uu ku salidaa abaaro iyo gaajo.

3.      Ummadu haddii ay bixin weyd sekada xoolahooda Alle waxa uu ka xidhaa roobka.

4.      Ummadi ma buriso ballankii ay la galeen Alle iyo rasuulkiisa haddii ay dhacdo waxa lagu salidaa hogaan iyo madax xun.

5.      Dadku haddii ay isku xukumi waayaan kitaabka Alle . Alle waxa uu dhexdooda ka yeelaa dhib iyo rafad uu midba midka kale cunayo.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ قَالَ أَقْبَلَ عَلَيْنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: (يَا مَعْشَرَ الْمُهَاجِرِينَ خَمْسٌ إِذَا ابْتُلِيتُمْ بِهِنَّ وَأَعُوذُ بِاللَّهِ أَنْ تُدْرِكُوهُنَّ لَمْ تَظْهَرْ الْفَاحِشَةُ فِي قَوْمٍ قَطُّ حَتَّى يُعْلِنُوا بِهَا إِلَّا فَشَا فِيهِمْ الطَّاعُونُ وَالْأَوْجَاعُ الَّتِي لَمْ تَكُنْ مَضَتْ فِي أَسْلَافِهِمْ الَّذِينَ مَضَوْا وَلَمْ يَنْقُصُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ إِلَّا أُخِذُوا بِالسِّنِينَ وَشِدَّةِ الْمَئُونَةِ وَجَوْرِ السُّلْطَانِ عَلَيْهِمْ وَلَمْ يَمْنَعُوا زَكَاةَ أَمْوَالِهِمْ إِلَّا مُنِعُوا الْقَطْرَ مِنْ السَّمَاءِ وَلَوْلَا الْبَهَائِمُ لَمْ يُمْطَرُوا وَلَمْ يَنْقُضُوا عَهْدَ اللَّهِ وَعَهْدَ رَسُولِهِ إِلَّا سَلَّطَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ عَدُوًّا مِنْ غَيْرِهِمْ فَأَخَذُوا بَعْضَ مَا فِي أَيْدِيهِمْ وَمَا لَمْ تَحْكُمْ أَئِمَّتُهُمْ بِكِتَابِ اللَّهِ وَيَتَخَيَّرُوا مِمَّا أَنْزَلَ اللَّهُ إِلَّا جَعَلَ اللَّهُ بَأْسَهُمْ بَيْنَهُمْ) [رواه ابن ماجة والحاكم]

Quraan iyo xadiis tiro badan ayaa jira se aayadan iyo xadiiskan baa waano iyo wax ku qaadasho inoogu filan dhibaatooyinkan ka dhacay kawnka.
dhammaanta shantaa arrimood goob joog baynu ka nahay dalkeena iyo dhammaan adduunka kale.

 

 

Hadaba maxaa xal u ah aafadan adduunka ku habsatay?

 

Xal waxaan u arkaa dhankayga :-

1.      Marka hore inaynu gafafka iyo xumaanahay aynu gacmaha kula jirno kala baxno dhammanteen.

2.      Inaynu wixii dulmi dhexdeena jira isku celino kana toobad keen.

3.      Inaynu xagga Alle u yacno oo aynu talo saarashada iyo Rabi tuugida badino.

4.      Inaynu caawino dadka masaakiinta ah ee dhexdeena ugu dhimanay gaajada iyo dhibaha kale ee ayna awoodayn.

5.      Inaynu raacno hab raacyada ay soo saareen xeel dheerayaasha caafimaadku. Inaga oo aan aaminsan awooda Alle se waxani asbaab uun tahay

6.      Inaynu dib u eegno quutul daruuriga aynu cuno. Kuwaas oo taydoodu liidato.

Noolahan yar ee ilma qabatida ah waa noole ka mid ah noolayaasha Alle abuuro oo amar Alle ku socoda. Markaa waxa mudan inaan Alle ka magan galno.

 

Waad mahadsantihiin

Allabari Caydaruus

Meerayaasha iyo Af -Soomaaligooda

  Sagaalka meere iyo af soomaali waxaa loo yaqaano 1. Mercury =   Dusaa 2. Venus = waxara xir 3. Earth  = Dhul 4. Mars  = Farraare 5. Jubite...